Fannaaniin caan ah oo lagu aasay Muqdisho iyo Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeysay

Alle ha u naxariistee Fannaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka iyo Marxuumad Khadro Cumar Dhuule oo ka mid ahayd faniiinta Hobolada Qaranka ee Waaberi oo xalay ku geeriyootay Muqdisho ayaa Jimcihii maanta lagu kala aasay Magaalada Muqdisho

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida fanaaniinta kala ahaa  Saciid Khaliif iyo Khadro Cumar Dhuulle, waxaana uu Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo qaar ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta.

Allaha u naxariisto labada Marxuum ayaa lagu kala aasay qubuuro ku yaalo Degmooyinka Boondheere iyo Xamar Xabjab.

Exit mobile version