Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyn oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.
Wasiiro iyo Masuliyiin kale ayaa ku soo dhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran ee ka jirta Baladweyne.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Maxamuud Macalim & Wafdiga uu Hogaminyo ayaa u kuur galay xaalada xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.
Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiirro, Maamulka Degmada Baladweyne saraakil ciidan ayaa socod ku maray buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.