Wed, Oct 8, 2025
Maxaa ka run ah Wararka

Guddi loo magacaabay soo tira koobka hantida Qaranka

Guddi loo magacaabay soo tira koobka hantida Qaranka
  • PublishedMay 13, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, soo celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Gudiddan, ayaa ka kooban siddeed xubnood oo kala ah Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka ganacsiga, Wasiirka hawlaha Guud, Wasiirka Arrimaha dibedda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Wasiir dowlaha madaxtooyadda,Wasiir dowlahha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Hawlaha guddigaan qaban doonaan, ayaa waxa laf dhabar u ah tirakoobka hantida dowladda, soo celinta hantidda qaranka ee sifaha sharci daradda ah loo haysto iyo sidoo kale ka talo bixinta nidaaminta hantida qaran ee la soo celiyey.

Written By
admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *